Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo Ballanqaad u Sameeyey Jubbaland


Axmed Madoobe
Axmed Madoobe

Safiirka dowladda Jarmalka u fadhida Soomaaliya Jutta Frasch oo shalay gaartay magaalada Kismaayo iyo madaxdweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka wada hadlay dhibaatooyinka dhanka nolasha ee ka taagan deegaanada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrimihii ay ka wada-hadleen ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga, abaaraha iyo qaxootiga dib ugu soo noqonaya dalka Soomaaliya.

Safiirka Jarmalka, Jutta Frasch ayaa sheegtay in dowladeeda ay maamulka Jubbaland ka taageeri doonto wax ka qabashada arrimaha abaaraha iyo dhaqan celinta maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Jarmalka diyaar uma ahan kaliya inay caawiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya balse sidoo kale dowlad goboleedyada Soomaaliya” ayey tiri Jutta Frasch.

Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintaan ka soo diray Nairobi.

Warbixin: Khadar Maxamuud Xareed
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:16 0:00

XS
SM
MD
LG