Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barrow oo Lagu Caleemo Saarayo Senegal


Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha muddada dheer hayey talada Yahya Jammeh uu diiday inuu xukunka ka dego.

Waxa uu hadalkan kaga dhawaaqay barta twitter-ka, halkaasi oo waxyar kadib saqdii dhexe ee xalay uu shaaca ka qaaday in madaxtinimadii Jammeh “ay si rasmi ah u dhammaatay”.

“Waagii cusubaa ee Gambia waa uu yimid ugu dambeyn” ayuu yiri Barrow.
Caleemo saarka ayaa markii hore lagu waday in maanta ay ka dhacdo caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

Barrow ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday kowdii December. Jammeh, oo hadda ka hor wacad ku maray inuu Gambia xukumi doono “Balaayiin sano” ayaa markii hore aqbalay natiijada, hase yeeshee waa uu beddelay maskaxdiisa isaga oo tuhmaya qaladaad dhinaca codadka ah.

Dalalka deriska la ah Gambia ee Galbeedka Afrika ayaa isku dayaya inay gacan ka gaystaan in xaaladdan la xaliyo.

XS
SM
MD
LG