Dhakhaatiirku waxay ka mid yihiin dadka ka shaqeeya furimaha dagaalladu ka socdaan, waxaana inbadan ka soo gaadha khasaare nafeed.
Dr. Ciise Cabdi Jaamac, waa dhakhtar Soomaali ah oo ku sugan gobolka Helmand ee dalka Afghanistan, wuxuuna lixdii sano ee ugu dambeeyey ka soo shaqaynayey goobo badan oo colaado ka socdeen sida dalka Yemen oo kale.
Dr. Ciise ayaa ka hadlaya waayo aragnimadiisa dhinaca shaqada.
Khadka Telefoonka ayuu ugu waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.