Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Shuruud Ku Xiray Cunaqabateynta Ruushka


Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan waxba ka badali doonin cunaqabeynta uu maamulka madaxweyne Obama kusoo rogay Ruushka, balse cunaqabateynta aysan noqon doonin mid waqti dheer socoto.

Wareysi uu siiyey wargeyska Wall Street Journal ayuu Trumpku sheegay inuu cunaqabeynta Ruuska sii heyn doono muddo xadidadn, laakinse ay dhici karto inuu ka qaado hadii Ruushka uu Mareykanka kala shaqeeyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidoo kale hadii uu ka caawiyo Mareykanka qaar ka mid ah wax uu ku tilmaamay ahdaafta muhiimka ah.

Waxa kale oo uu Trump sheegay inuu la kulmi doono madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin marka loo dhaariyo xafiiska.

Dhinaca kale, warbixin uu qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in Ruushka uu Donald Trump ku cazuuntay shirka wadahadalada nabada ee Suuriya ee lagu qaban doono caasimada dalka Kazakhstan ee Astana, maalmo yar kadib marka Trump loo dhaariyo xilka madaxweynaha Mareykanka.

XS
SM
MD
LG