Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof Shacab ah oo Lagu Diley Beledweyne


Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inHal Qof lagu dilay seddex kalana ay ku dhaawacmeen Xalay kadib Bam gacmeed lagu tuuray goob maqaaxi ah oo ku taalada xaafadda Xaawo Taako.

Dadka qaraxa ku waxyeelobay ayaa dhammaantood ahaa shacab. Meel u dhaw goobta la weeraray ayaa waxaa joogay ciidamo ka tirsan Dowlada.

Dableydan qaraxa geystay ayaa baxsaday, iyadoo dadka dhaawacmayna la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaa oo ay xaaladooda caafimaad kula tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo goobta tagay ayaa halkaasi baaritaano ka bilaabay.

XS
SM
MD
LG