Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Marxaladihii uu Baarlamanka Somalia soo Maray


Xildhibaanada oo la dhaariyey
Xildhibaanada oo la dhaariyey

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Baarlamankan cusub ee maanta guddoomiyaha doortay ayaa noqonaya kii 10-aad ee ay Soomaaliya yeelato.

Burburkii dowladdi dhexe kadib, 14 shirar oo la isku dayayay in Soomaaliya lagu soo celiyo nidaamkii dowladnimo ee ka burburay ayaa waxaa la soo dhisay ilaa iyo sagaal baarlaman oo ku meel gaar ahaa. Kii ugu horreeyay ee dowlad rasmi ah ay yeelato ayaa la dhaariyay bishii August sanadkii 2012-kii.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegeysa marxaladihii ay soo mareen baarlamaanada Soomaaliya iyo waxa ay ku kala duwanaayeen.

Warbixin: Sahra Cabdi Axmed
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:34 0:00

XS
SM
MD
LG