Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Caabudwaaq


dagaal
dagaal

Wararka ka imaanaya magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in galabta casar liiqii uu magaalada ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiye beeleed.

Dagaalkan oo lagu soo warramayo inay shan qof ku dhinteen tira kalena ku dhaawacmeen, ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka laba beelood oo magaalada wada dega oo dhowr mar magaalada ku dagaalamay ay heshiis kala saxiixdeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhaxeysa beelaha ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo ee dagaalka uu dhex marayo.

Warkan waxaa Gaalkacyo kasoo diray Wariyeheenna Cabdiwaxid Macalin Isaaq.

Dagaal ka dhacay Caabudwaaq
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:36 0:00

XS
SM
MD
LG