Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khudbaddii ugu Dambeysay Obama iyo Fallanqeyn ku Saabsan


Madaxweyne Obama
Madaxweyne Obama

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xilka ka degaya muddo 10 maalmood gudahood ah kadib markii uu waddankan kasoo talinayey muddo siddeed sanandood ah.

Madaxweyne Obama ayaa xalay jeediyey khudbaddiisii u dambaysay isagoo madaxweyne ah, waxaana uu ka jeediyey magaalada Chicago ee badhtamaha Maraykanka oo hoygiisu ku yaallo.

Waxa uu khudbaddiisa ku difaacay waxqabadkiisa muddadii sideedda sano ahayd ee uu xilka hayey.

Obama ayaa sheegay inuu magaalada Chicago ee gobolka Illinois u doortay inuu ka jeediyo khudbaddiisii ugu dambeysay sababta oo ah waa magaaladii uu ka billaabay hankiisii siyaasadeed.

Warbixintan khudbadda Obama oo uu soo jeedinayo Ismaaciil Xuseeen Farjar iyo fallanqeyn uu ku sameeyey madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow hoos ka dhageyso.

Khudbadda Obama iyo Fallanqeyn
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:30 0:00

XS
SM
MD
LG