Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka Oo Beeniyey Eedeymaha Mareykanka


Vladimir Putin
Vladimir Putin

Ruushka ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha uga yimid mukhaabaraadka Mareykanka ee ku saabsanaa inay faragelin ku sameeyeen doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday ee uu ku guuleystay Donald Trump.

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in madaxda sare ee Ruushka ay amreen in la jabsado kombiyuutarada xisbiga dimoqraadiga, kadibna la faafiyo sirtooda intii uu socday ololaha doorashada Mareykanka.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ruushaka ay doonayeen in Donald Trump u ku guuleysto doorashada.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin ayaa eedeymaha kaga yimid dhinaca Mareykanka ku tilmaamay “kuwo aanan sal iyo raad laheyn oo ay si caadifad leh u diyaarisay hey’ad heer sare ah”.

Hadalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee kasoo baxa aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, tan iyo marki ay madaxda sirdoonka Mareykanka Jimcihi hore sheegeen in ay si weyn ugu kalsoon yihiin in madaxweynaha Ruushka uu shakhsiyan isaga amray in la farageliyo doorashadi madaxtinimo ee dhamaadkii sanadkii hore ka dhacday dalkan Mareykanka.

XS
SM
MD
LG