Isku xirrada

Doon Kalluumeysi oo Lagu Qabtay Hobyo


Ciidamda Badda ee Maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay dooni si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay xeebta Hobyo ee goboka Mudug iyo shaqaalihii saarnaa oo ay tiradoodu tahay 40.

Taliye kuxigeenka ciidamada badda Galmudug Cadirashiid Maxamed Axmed ayaa VOA-da u sheegay in doonidaasi laga leeyahay dalka Yemen, guud ahaan shaqaalaha saarana ay yihiin Yamaniyiin.

Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay shaqaalaha doonida iyo ciidamda badda ee Galmudug ka dib ay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan doonida iyo guud ahaan shaqaalaheeda oo uu la socday “nin u dhashay Puntland.” Waxa uu sidoo kale sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha doonta oo ku dhaawcmay is rasaaseynta la dhigay cisbital lagu dabiibayo.

XS
SM
MD
LG