Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Ivory Coast oo Maanta Dagan


Le ministre ivoirien de la Défense, Alain-Richard Donwahi s’adressent aux journalistes à Bouaké, Côte d’Ivoire, 7 janvier 2017.
Le ministre ivoirien de la Défense, Alain-Richard Donwahi s’adressent aux journalistes à Bouaké, Côte d’Ivoire, 7 janvier 2017.

Xaaladda magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast ee Bowaake ayaa maanta degan kadib marki ay isaga baxeen ciidamo ka tirsan Milatariga oo muddo laba maalmood ah halkaasi ka waday kacdoon.

Ciidamadan ayaa sameeyey gadood ay ku dalbanayeen in la siiyo gunnooyin iyo in wax laga badalo xaaladaha nololeed ee ciidanka.

Gadoodka ciidamadan ayaa bilowday aroornimadi hore ee maalinti Jimcaha, kadib marki ciidamo ka tirsan milatariga ay qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast ee Buwaake.

Waxyar kadibna ciidamo kale oo ku jiray xeryo milatari oo ku yaala magaalooyin badan oo ay ku jirto caasimada ganacsiga dalka ee Abidjan, ayaa ku biiray gadoodka.

Dowlada ayaa sheegtay in ay heshiis la gaartay saraakiisha ciidamadan shalay gelinkii danbe, kadib wada xaajood dhex maray labada dhinac, waxaana ciidamada qaar ay sheegeen in ay xeryahooda dib ugu laabteen.

Mamadou Kone oo ah sarkaal ka tirsanaa ciidamadi qabsaday magaalada Bowaake ayaaa wakaalada wararka Rueters u sheegay in ciidamadu ay dib ugu laabteen xerooyinkooda, iminkana sugayaan lacagaha ka maqan.

Laakin qaar kale oo ka tirsan ciidamadaas ayaa la sheegay inaysan ku qancin heshiiska, iyaga oo afduub u qabsaday wasiirka gaashaandhiga Alain-Richard Donwahi, duqa magaalada Bouake, saraakiil iyo wariyaal.

Saacado kadib, waziirka difaaca iyo dadki kale ee la afduubay waa lasii daayey, waxana wasiirka gaashaandgiga Mr, Dinwahi uu u duulay caasimada.

xaalada ayaa maanta daganeyd, waxana tani ay ka danbeysay kadib balan qaadki madaxweyne Al Xasan Wataara uu ku balan qaaday in ay dhageysanayaan dalabka ciidamada.

Ivory Coast oo ka mid ah dalalka Galbeedka Africa ee loogaga hadlo luqada Faransiiska, caannna ku ah wax soo saarka miraha kookaha ayaa kasoo baxay qalalaaso siyaasadeed sanadki 2011-ki.

Hada dalkaan waxaa lagu tirayaa dalalka dhaqaalahoodu uu aadka usoo korayo ee Qaarada Africa.

XS
SM
MD
LG