Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag ka Qaxay Mareykanka oo Lug ku Galay Canada


Laba nin oo kasoo jeeda dalka Ghana ayaa kusoo kabanaya qeybta la dhigo dadka gubtay ee isbitalka Winnipeg ee dalka Canada, kadib markii ay ku lumen xuduudda, ayaga oo soo galaya Canada kana soo qaxay Mareykanka, sida uu baahiyey TV-ha CBC ee dalka Canada.

Labada nin oo da’doodu lagu kala sheegay 24 iyo 34 ayaa laga helay waddada 75 ee waqooyiga magaalada Letellier ee gobolka Manitoba, subaxnimadii 24-ka December kadib markii ay dhowr saacadood ku lugeynayeen qabowga.

Nin wada baabuur xamuul ayaa la sheegay inuu caawiyey labada nin.
Lama yaqaan sida ay xuduudda uga soo gudbeen ayaga oo aan cidna joojin, hase yeeshee markii la helay ayey u muuqdeen kuwa wareersan oo weydiinaya meesha laga helo waaxda socdaalka ee dalka Canada.

Mid ka mid ah raggaasi oo 24 jir ah ayaa talaadadii sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Canada soo galay.

“Waxay u dhiman gaareen qabowga” waxaa sidaas yiri Ghezae Hagos oo ah nin caawiya dadka qaxootiga ah kana shaqeeya xarunta Welcome Place oo lagu hayo qaxootiga magaalada Winnipeg.

Hagos ayaa sheegay in 24 jirka ay u badan tahay inuu lumin doono farahiisa oo qabowga uu jaray, uuna arkay ayaga oo dhiig uu ka qubanayo.
“Ma uusan garaneyn xaaladda Canada” ayuu yiri.

Cimilada magaalada Emerson ee gobolka Manitoba ee xuduudda Canada iyo Mareykanka ayaa maalinkii ka horeysay kirismiska ee 24-a December ahayd darajada -18 oo ay sii dheereyd dabeesha qabow, sida laga soo xigtay John Sauder oo TV-ga CBC u qaabilsan cimilada.

Labada qof ayaa la sheegay inay ka tageen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota markii ay ka dhacday Visa ay ku joogeen Mareykanka.

Dhowaanahan ayaa la sheegay inay sii kordhayeen dadka ka qaxaya Mareykanka ee gaaraya dalka Canada, oo ay ku jiraan dad u dhashay dalalka Ghana iyo Somalia.

Labada nin ayaa la sheegay in iminka ay go’aa ka gaari doonto waaxda socdaalka Canada.

Xigasho: CBC

XS
SM
MD
LG