Isku xirrada

OHIO: Darawaliin Waayi Kara Shatiyada Baabuurta Waaweyn


Dalkan Maraykanka gobolka Ohio ayaa uga digay boqolaal muhaajiriin ah oo Soomaaliduna ku jirto inay waayi doonaan shatiyada lagu wado baaburta waaweyn, haddii aanay keeni caddeyn muujinaysa dhalashada Maraykanka ama warqadda dagannaanka abadiyada ee dalkan ay ku joogaan.

Gobolka ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid uu ku fulinayo sharciyo federaalli ah oo dhinaca shatiyada ah, oo oggolaanaya darawalliinta ku shaqeeya baabuurta xamuulka qaada iyo buseska waawen.

Waaxda Baabuurta ee gobolka Ohio ayaa warqad u dirtay bishii hore 560 muhaajiriin ah, oo ay siisay muddo 30 cisho ah inay ama dukumntiyadoo ku keenaan, ama codsadaan racfaan, amabase ay soo celinayaan shatiyada baabuurta waaweyn.

Kooxaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegay inay cadaalada darro ku tahay gobolka inuu shatiyada ka qaado dad loo sheegay inay sharciga raaceen markii ay heleen shatiyada.


XS
SM
MD
LG