Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Michael Keating oo Tagay Beledweyne


Michael Keating. Photo Courtsey of UN
Michael Keating. Photo Courtsey of UN

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaa oo madaxda gobolka, iyo qeybaha bulshada uu kala hadlay arrimaha ammaanka, abaaraha iyo horumarka.

Keating ayaa warbixin ku saabsan xaaladda gobolka waxa uu ka dhageystay qara ka mid ah maamullada degmooyinka gobolka Hiiraan.

Waxyaabihii ugu badnaa ee loo soo bandhigay Danjire Keatinh ayaa waxaa ugu weynaa arrimaha abaarta ka jirta gobolka Hiiraan, oo ay ugu weyn tahay biyo la’aan iyo daaq la’aan haysata dadka iyo xoolaha.

Keating ayaa dhinaca kale sheegay in loolanka loogu jiro biyaha ee ka jira Hiiraan ay dhalin karto xaalad ammaan darro, wuxuuna ballanqaaday in QM ay garab istaagi doonto dadka gobolka Hiiraan.

Wariyeheenna Beledweyne Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan goor dhow inoo soo diray.

Keating oo tagey Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00


XS
SM
MD
LG