Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka oo Dhageysanaya Warbixin la Xiriirta Russia


Faro-gelinta la tuhunsan yahay in Russia ay ku sameysay doorashooyinkii Mareykanka ayaa waxaa maanta lagu dhageysan doonaan laba kulan kulan oo ay yeelan doonaan xubnaha senate-ka Mareykanka, waxaana sidoo kale looga warbixin doonaa madaxweyne Obama.

Madaxweynaha ayaa bulshada sirdoonka ku amray inay dib u eegis ku sameeyaan suurto galnimada ah in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan doorashooyinka Mareykanka tan iyo sanaddii 2008, markaasi oo doorashadii dhacday isaga lagu soo doortay.

Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa VOA u xaqiijiyey in Obama uu dhageysan doono natiijada baaritaanka maanta, islamarkaana sidoo kale loo gudbin doono madaxweynaha la doortay Donald Trump maalinta Jimcaha ah.

Hay’adaha CIA io FBI-da Mareykanka ayaa labaduba isku raacay in dowladda Russia ay ka dambeysay kombiyuutaro la jabsaday, islamarkaana ay si ula kac ah documents sir ah ugu gudbisay website-ka sirta faafiya ee WikiLeaks.

Guddiga adeega ciidamada ee Senate-ka Mareykanka ayaa warbixintan ka dhageysan doona agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka James Clapper, agaasimaha hay’adda amniga qaranka, Admiral Michael Rogers, ku xigeenka xoghayaha gaashaandhigga ee dhinaca sirdoonka Marcel Lettre.

Guddoomiyaha guddiga senator John McCain ayaa arbacadii waxa uu far-gelinta Russia ku macneeyey ficil dagaal.

XS
SM
MD
LG