Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musharaxiin Isu soo Taagay Xilalka Guddoonka Baarlamanka Somalia


Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka ayaa waxaa maanta la gaarsiiyay araajida ilaa iyo 7 murashax oo u taagan xilalka gugdoonka baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Xubnaha u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka ee sida rasmiga ah ugu dhawaaqay waxaa ka mid ah, guddoomihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig.

Dhinaca gudoomiya ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad waxaa ilaa iyo hadda sheegay inay u ordayaan ilaa iyo afar murashax oo kala ah, Jeylani Nuur Iikar, Saciid Xusseen Ciid, Cabdweli Ibrahim Sheekh Muudey, Khadiijo Maxamed Diiriye, Khaalid Macow Cabdiqadir iyo Cabdiqadir Sheekh Cali Baqdaadi.

Weriyeheenna Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan ku eegaya, labada murashax ee u taagan Jagada gudoonka Baarlamanka oo doorashadiisu ay dhaceyso, 11-ka bishan.

Warbixin: Xasan Kaafi Qoyste
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:34 0:00

XS
SM
MD
LG