Isku xirrada

Tirada Dhimashada Qaraxii Muqdisho ee Shalay oo Korortay


Qarax

Tirada dhimashada ee ka dhalatay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kordhay waxayna haatan tiradaasi dhan tahay 9 qof.

Lix dadkaas ka mid ah waa rayid, qofna askari ka tirsan ciidamada amniga, halka labada kale ay yihiin labadii qof ee qaraxyada gaystay sida ay idaacadda VOA u sheegeen warar lagu kalsoon yahay.

Mas'uulyiinta gobolka qaar ka mid ah ayaa VOA u sheegay in goobta qaraxyadu ka dheceen shalay maanta laga helay laba qof oo mayd ah oo ku hoos jiray burburka dhismayaasha shalay ku dumay qaraxyada oo lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu weynaa uguna cuslaa ee magaalada ka dhaca.

Labada qof ee maanta laga soo saaray burburka gidaarka Peace Hotel ayaa kala ahaa wiil iyo gabadh sida ay idaacadda VOA u sheegeen wararka aanu ka helnay mas'uuliyiinta Gobolka.

XS
SM
MD
LG