Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Gacmaha ka Jaray Laba Dhallinyaro


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa shalay meel fagaaro ah midkiiba gacanta midig uga jaray laba dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay xatooyo ku kaceen.

Maxkamad ay Al-Shabaab leedahay ayaa meel fagaaro ah degmada Kurtunwaareey ee gobolka Shabeelaha Hoose ku fulisay labadan dhallinyarada ah xukunka.

Guddoomiyaha Degamada Kurtunwaareey Cabdiraxman Sabtow Daahir ayaa sheegay in labada nin oo kala ah Cabdulqaadir Maadey iyo Maadey Eenow laga soo qabtay tuulo hoos tagta degmada Kurtunwaarey, kadibna la keenay Kurtunwaarey halkaasi oo gacmaha looga gooyey.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay Gudoomiyaha Degamada Kurtunwaareey Cabdiraxman Sabtow Daahir, oo uu kula xiriiray khadka taleefanka ee Buula-Mareer.

Al-Shabab oo dad gacmaha ka jaray
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG