Isku xirrada

War Deg-Deg ah

N. Korea oo u dhow Sameysashada Gantaalada Ridada Fog


Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in dalkiisa uu hada marayo heerkii ugu danbeeyey ee gabagaba horumarinta gantaalada isaga kala goosho qaaradaha.

Kim Jong Un ayaa hadalkan ka sheegay khudbad Telefishinka laga sii daayey Axaddii maanta.

Waqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii dhammaaday tijaabiyey laba gantaal oo ah kuwa xambaara suntan niyukleerka, taasoo dhalisay qeyla dhaan ka timid caalam oo dhan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay hadalka hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ee uu ku sheegay inuu gaba gabo u marayo sameysashada gantaalaha qaaradaha ka gudba.

XS
SM
MD
LG