Isku xirrada

Brazil: Meyd Loo Maleynayo Safiirka Greece oo la Helay


Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in ay heleen baabuur gubtay oo uu ku jiro qof meyd ah oo loo maleynayo inuu yahay safiirkii dalka Greece u fadhiyey Brazil, kaasi oo la la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Telefishinka Globo ayaa xalay soo saaray muuqaalka baabuur cad oo gubtay, gudaha xaafadda Nova Iguacu oo ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee magaalada Rio de Janeiro.

Wararka ayaa sheegaya in Danjire Kyriakos Amiridis uu booqanayey qaar ka mid ah asxaabtiisa oo degan xaafadaasi.

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in safiirka Greece u fadhiyey Brazil Kyriakos Amiridis la waayey habeenkii isniinta, markii dad ugu war danbeysayna waxaa lagu sheegay inuu joogay xaafada Nova Iguacu.

Safaarada Giriiga ee dalkaasi, wali maysan xaqiijin maqnaashaha Danjire Amiridis.

XS
SM
MD
LG