Madaxweynaha Barack Obama ayaa Khamiistii cunaqabateyn kusoo rogay laba hey’adood oo kuwa sirdoonla ah oo uu Ruushku leeyahay, isaga oo dalka Mareykanka ka ceyriyey ilaa iyo 35 sarkaal oo Ruush ah.
Talaabadan ayuu maamulka madaxweyne Obama uga jawaabayey faragelin la sheegay in Ruushka uu ku sameeyey doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka Mareykanka ka dhacay bishii November ee sanadkaan.
Ruushka oo isla markiiba ka hadashay cunaqabateyntan ayaa ku tilmaantay arrin sharci darra ah, iyaga oo ku hanjabtay inay jawaab adag bixin doonto.
Madaxwene Obama ayaa tallaabadani ku tilmaamay mid sax ah oo lagama maarmaan aheyd.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trumo oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inuu toddobaadka soo socdo la kulmi doono saraakiisha dhinaca sirdoonka Mareykanka si ay u siiyaan warbixin ku saabsan arrimahan.