Isku xirrada

Ban Ki-Moon oo Soo Dhaweeyey Dhaarinta Xildhibaanada Somalia


Ban Ki Moon

Xogahayaha guud ee QM Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyey dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey ‘guushan taraiikhiga ah.

Ban aya ku booriyey baarlamanka cusub inay sii wadaan dardarta ay Somalia ku socoto ayaga oo dhameystiraya hanaanka doorashooyinka oo ay doortaan afhayeenada labada aqal iyo madaxweynaha dalka,

“Baarlamanka waa inuu wax ka qabtaa arrimaha sharciga ee muhiimka ah oo ay ku jirto sameynta dastuur joogto ah oo Soomaaliya ay yeelato, kaasi oo loogu daneynayo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Xogahayha guud ayaa sidoo kale ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay buuxiyaan dhammaan kuraasta ka harsan baarlamanka, ayaga oo xaqiijinaya in kuraasta loogu talo-galay haweenka ay buuxiyaan oo kaliya haween.

Waxa uu carabka ku adkeeyey in sharci darro kasta, xadgudub iyo wax isdaba marin oo ay soo weriyaan guddiyada doorashada ee heer federal ama heer gobol si buxuda wax looga qabto si loo ilaaliyo sax ahaanshaha hanaanka doorashada.

XS
SM
MD
LG