Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madasha oo Dib u Dhigtay Kuraas lagu Kordhiyey Aqalka Sare


Madasha
Madasha

Xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaaliya ayaa dib u dhigay fulinta 18 kursi oo dheeri ah oo ay horey u sheegeen ii lagu kordhiyey Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed xalay kasoo baxay Madasha ayey ku sheegeen in “ayada oo la tixgelinayo ajendooyinka culus ee baarlamaanka federaalku horyaal dib loo dhigay kordhinta kuraastaas illaa ay ka qabsoomeyso doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.”

Dhinaca kale xubnaha Madasha ayaa usoo jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaaliya inuu codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi.

Kuraasta dheeriga ah ayey sheegeen xubnaha Madasha in lagu xalinayo “cabashooyinka bulshada ka yimid” waxayna dalbadeen in arrintan laga dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.

Go’aanka cusub ee Madasha ayaa imanaya ayada oo beesha caalamka ay horey uga hortimid go’aankii lagu kordhiyey kuraasta Aqalka Sare, kuna baaqday in arrintaas loo daayo baaralamanka cusub ee dalka.

XS
SM
MD
LG