Isku xirrada

Kenya oo Kordhisay Bandowgii Mandheera


Mandera, Kenya

Dowladda Kenya ayaa kordhisay Bandow horey muddo laba bilood ah ay ugu soo rogtay deegaanka Mandheere ee gobolka Waqooyi Bari, kuna teedsan xuduudda Soomaaliya

Arrintan ayaa timid kadib markii ay kordheen weerarada ay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shaabab ka geysanayeen gobolkaasi, oo uu ugu dambeeyey weerar ay ka geysteen Hotel Bisharo oo ku yaalla magaalada Mandheera oo ay ku dileen 12 qof.

Bandowgan oo soo saarnaa deegaanka laga soo bilaabo 27-kii October ilaa iyo 27-ka December ayaa maamulka gobolku uu sheegay inay haatan ku kordhiyeen 90 cisho.

Kordhintan ayaa waxaa cambaareeyay, qaar ka mid ah hey’adaha Xuquuqda aadanaha ee gobolka.

Wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa arrintan ka wareystay, gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Mandheera, Nuur Cabdow Axmed.

XS
SM
MD
LG