Wararka ka imanaya degaanka Camaara ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in shalay toogasho lagu dilay mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka uu u shaqeynayey hay’adda ICRC.
Axmed Jaamac Siyaad, ayaa waxa uu cunto u qabinayey dadkii dhowaan ay soo barakiciyeen abaaraha iyo kuwo kale oo ka soo cararay dagaalllo dhexmaray Al-Shabab iyo dadka degaankaa.
Shariif Jaamac Siyaad oo la dhashay marxuumka ayaa VOA u sheegay in Axmed uu dilay nin ay is qabteen, oo la sheegay inay murmeen.
Warbixintan waxaa magaalada Gaalkacayo nooga soo diray Cabdiwaaxid Macallim Isxaaq.