Isku xirrada

Wareysi: Dareenka Xildhibaanada Cusub


Xildhibaanada oo la dhaariyey

Magaalada Muqdisho, waxa maanta lagu dhaariyay xildhibaannada baarlamanaaka Soomaaliya ee lagu soo kala doortay xarumaha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday Akadeemiyada Booliiska ee General Kaahiye ayaa lagu dhaariyay in ka badan 280 xilhibaan oo labada Aqal ah.

Sida uu qabo dastuurka Somaaliya, waxaa labada Aqal ay si ku meel gaar ah shir-gudoon ugu doorteen shaqsiyaadka ugu da’ada weyn.

Aqalka sare waxaa sii shir gudoominaya Maxamed Xuseen Raage, halka Aqalka Hoosana uu sii shir gudoominayo Cusmaan Cilmi Boqorre.

Haddaba waxaa VOA u suurtogashay inay waraysaato laba ka tirsan xildhibaannada cusub ee maanta la dhaariyey oo kala ah Maxamed-Amiin Sheekh Cusmaan iyo Farxiya Muumin Cali oo labadooduba ku cusub baarlamaanka.

Hadalka waxaana ku horraynaysa Farxiya Muumin Cali oo ka hadlaysa dareenkeeda maanta dhaarinta kadib.

XS
SM
MD
LG