Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya oo la Dhaariyey


Muqdisho

Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabaddii maanta ka dhacday Muqdisho ayaa lagu dhaariyey in ka badan 281 muddane oo isugu jira xubnaha Aqalada Sare iyo Hoose ee baarlamanka cusub ee Somalia, kuwaasi oo soo dooranaya afhayeenada Labada Aqal iyo Madaxweynaha cusub ee dalka.

Xildhibaanada la dhaariyey ayaa 243 ka mid ah waxay ahaayeen kuwa Aqalka Hoose, halka 38 ay ahaayeen kuwa Aqalka Sare.

Kadib dhaarintii xildhibaanada ayaa waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay labada shir guddoon ee labada Aqal, oo loo kala magacaabay labad qof ee ugu da’da weyn.

Shir guddoonka Aqalka Hoose ayaa waxaa noqday xildhibaan Cusmaan Cabdullahi Boqore, halka shir guddoonka Aqalka Sare loo magacaabay Maxamed Xuseen Raage.

Hadaba muxuu baarlamankan oo ah kii 10-aad ee Somalia kaga duwanyahay baarlamanadii hore ee sanadkii 2012-kii. Wariyeheena Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan ku eegeysa.

Warbixin: Baarlamanka cusub
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00

XS
SM
MD
LG