Magaalada Muqdisho, waxa maanta la filayaa in ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada baarlamanaaka cusub Soomaaliya ee lagu soo kala doortay xarrumaha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Waxa sidoo kale uu muran ka taagan yahay xubnaha aqalka sare ee Somaliland ka iman lahaa oo aan wali la soo xulin.
Sidoo kale, madasha wadatashiga qaran, ayaa war murtiyeed ay ka soo saaren kulan ay Muqdisho ku lahaayeen labadii maalin ee ugu dambeysay isku raacay in xildhibaannadii lagu mursanaa ee 11-ka ahaa, shan ka mid ah doorashadooda dib loogu laabto, halka tirada kalena ay ayideen xubinnimadooda baarlamaan.
Haddaba, dhaq dhaaqaaqyadii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho, ayaa Jamaal Axmed Cismaan waxa uu ka wareystay wariyaha VOA ee Muqdisho C/qaadir Maxamed Cabdulle, oo marka hore ka waramaya kulanla ka filayo in ay yeeshaan baarlamaanka Soomaaliya.