Isku xirrada

Banaadir oo Ku Guuleysatay Tartankii Kubadda Koleyga ee Garoowe


Gabdhaha gobolka Banaadir, ayaa ku guulaystay Koobka Kubadda Kolayga gabdhaha Soomaaliyeed ee ka soconayay magaalada Garoowe ee Puntland.

Kooxdii ka socotay Banaadir ee ciyaaraha Kubadda Kolayga Gabdhaha ayaa 66 dhibcood kaga Guulaystay kooxda Hirshabelle oo 46 la timid ciyaartii Finalka oo galabnimadii Isniinta ka dhacday Garoowe.

Koobka Kubadda kolayga ee gabdhaha ayaa 5-tii cisho ee ugu dambaysay ka soconayay Garoowe waxaana isku arkay kooxo ka kala socday maamul gobaleedyada iyo kuwa ka socdey gobolka Banaadir, waxase tartanka ka maqnaa kuwa ka socdey maamulka Koonfur Galbeed.

Ciyaarahan oo ay u soo daawasho tegi jireen galab kasta dadweyne aad u xiisaynaya cayaaraha, ayaa la qabtay markii ugu horaysay 26 sanno kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii.

Barnaamijkan oo ahaa mid lagu soo celinayo ciyaaraha Kubadda Kolayga gabdhaha iyo sidii loo heli laha loogana dhex xulan laha gabdho Qaranka Soomaliya matalaya, ayaa dhanka dhaqaalaha waxaa ka saaciday hay’adda USAID.

XS
SM
MD
LG