Dagaal u dhaxeeya dad xoolo dhaqato ah iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yaaq Bishaaro oo qiiyaastii 45 km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee gobbolka Jubbada Hoose.
Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta, hase yeeshee dagaalkaan ayaa imanaya xili maleeshiyaadka Al-Shabaab ay shalay deegaanka uu dagaalka ka dhacay ku dileen lix ruux oo ka mid ah dadka xoolo dhaqatada deegaanka.
Nabaddoon Maxamuud Shureym oo noo sheegay inuu ku suggan yahay deegaanka Yaaq Bishaaro ayaa khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.