Isku xirrada

Dagaal Dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo


Wararka ka imanaya deegaanka Towfiiq ee u dhow degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay iska-horimaad dhex maray Ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, sida uu VOA u sheegay Maxamed Arbac Xaaji Maxamuud oo ah guddoomiyaha Towfiiq.

Dad kala duwan oo ay VOAdu la hadashay ayaa sheegay in in ka badan toddoba qof ay ku dhinteen dagaalkaas, ku dhawaad toban qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Laakiin, Maxamed Arbac ayaa khadka taleefanka ugu sheegay wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar inuu xaqiijin kara oo kaliya dhimashada laba qof.


XS
SM
MD
LG