Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo ku Dhawaaqday Maalin Baroordiiq Qaran


Saraakiisha dalka Ruushka ayaa ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalin baroordiiq qaran, waxayna sheegeen inay baarayaan sabab kasta, oo ay ku jirto argagixisanimo, taasi oo laga yaabo inay ka dambeysay diyaarad soo dhacday, ayna ku geeriyoodeen 92 qof.

Wasiirka Gaadiidka Russia Maxim Sokolov ayaa sheegay in soo dhicitaanka diyaaraddaas ee axaddii ay u badan tahay inay sababtay qalad duuliye ama mid farsamo.

Inkasta oo saraakiisha ay sheegeen in argagixisonimo laga yaabo inay ka dambeysay soo dhicitaanka diyaaraddan, haddana aysan u badneyn.

“Wax kasta oo suurta gal waa la baarayaa, laakiin waa wax aan weli waqtigeeda la gaarin inaan ka hadalno in argagixisanimo ay ku lug lahayd arrintan” ayuu yir wasiirka gaadiidka Russa Maxim Sokolov.

Diyaaradda ayaa ku dhacday badda madow laba daqiiqo un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha magaalada Sochi, waxaana ku dhintay sideed shaqaale ah iyo 84 qof oo shacab ah.

Guddi Baarista Gaarka ah ee Russia ayaa iminka baaraya dhacdadan.



XS
SM
MD
LG