Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraarka QM ee ka Dhanka ah Israel


Dawladda Maraykanka ayaa shalay ka aamustay cod uu Golaha Ammaanku u qaaday qaraar dalbanayay in dawladda Israa’iil ay joojiso dhismayaasha ay ka dhisanayso dhulka reer Falastiin.

Dawladda Maraykanka ayaa diidday inay adeegsado codka diidmada qayaxan ee VETO sidii horey looga bartay ee ay ku hor istaagi jirtay qaraarrada Golaha Ammaanka ee cambaaraynaya Israa’iil. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuusan u hoggaansami doonin qaraarkaasi.

Haddaba tallaabadan ay qaadday dawladda Maraykanka ayey ku sheegtay inuu ahaa mid ay ku badbaadinayso baadi-goobka loogu jiro ka miro-dhalinta himilada ah inay soo baxaan laba waddan oo deris ah oo ay kala leeyihiin Israa’iil iyo Falastiin.

Arrimahan ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar uu ka waraystay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamka iyo kuwa Maraykanka kuna sugan Gobolka Virginia.

Qaraarka Qaramada Midoobay ee Israel
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

XS
SM
MD
LG