Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddida Doorashada: 71 Kiis ayaa Nasoo Gaadhay


Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in mudadii ay shaqada hayeen ay soo gaareen 71 kiis oo cabasho oo la xiriira sidii loo maareeyay doorashad, laakiin baaritaan iyo cadeymo ay u raadiyeen kiisaskaa ay markii dambe ka soo reebeen 11 kursi.

Warsaxafafeed Qoraal ah oo uu Guddigu maanta soo saaray nuqul ka mid ahna la soo gaarsiiyay VOA ayaa lagu sheegay in dacwadaha guddiga soo gaaray ay isugu jireen Isdabamarin lagu sameeyay liiska Ergooyinka, Codgadasho lagu sameeyay ergada, ku takrifal awoodeed oo ku aaddan u asteynta kuraasta qoondada haweenka, Dacwooyin ku qotomay kuraas laga duudsiiyay jufooyinkii lahaa, iyo murashixiin loo diiday shahoodooyinkii iyo ka qeybgalka doorashada.

Guddigan ayaa sheegay in dhamaan Dacwooyinkaa ay u gudbiyeen, kalana hadleen hogaamiyeyaasha madasha iyo beesha caalamka.

Wuxuu sheegay guddigu inay ka xunyihiin in iyagoo shaqadaa adag u hayay bulshada laga faafiyay inay qeyb ka ahaayeen musuqa iyo qaladaadka doorasho ee dhacay.

Ugu dambeyntii waxay guddidu u mahad celiyeen dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaalida, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ku siisay intii ay howshan wadeen.

XS
SM
MD
LG