Isku xirrada

Israel oo Safiiradeedii kala baxaysa Senegal iyo New Zealand


Ra’iisal Wasaaraha dalka Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa qaadaya tallaabooyin diplomaasiyadeed oo ka dhan dalalkii horkacayey qaraarkii laga ansixiyey Qaramada Midoobay ee looga soo horjeeday dhismayaasha dadka Yuhuudda ah ee daanta galbeed iyo bariga Qudus, taas oo Falastiiniyiintu ay Qudus u aqoonsan yihiin inay tahay caasimadooda.

Netanyahu ayaa maanta oo sabti ah amar ku bixiyey in safiirada dalalka New Zealand iyo Senegal ay dib ugu soo laabtaan dalkooda si uu wadatashi dheeraad ah ula sameeyo.

Codbixintii maalintii jimcaha ka dhacday qaramada midoobay waxaa horkacayey labadan dal, iyo weliba Malasia iyo Venezuela. Sidoo kale Masar oo qayb ka ahayd ayaa dib uga guratay qaraarkan, ka dib markii Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump uu khadka telefoonka kula hadlay Cabdifataax al Siisi Madaxweynaha Masar.

XS
SM
MD
LG