Isku xirrada

Ninka lagu Tuhmayo Weerarkii Berlin oo la Dilay


Anis Amri

Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Marco Minnitiayaa sheegay in ninkII looga shakisanaa inuu ka danbeeyey weerarkii argagixiso ee Berlin lagu dilay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Faah faahinta dilka Anis Amri ayaa lagu wadaa in uu wasiirka arrimaha gudaha uga hadlo shir jaraa’id oo lagu wado inuu goor dhow u qabto warbaahinta.

Wasiirka arrimaha gudha Jarmalka Thomas de Maiziere ayaa maanta shir jaraa’id ku sheegay in ay jirto “suurto galnimo” aad u sareysa oo ah in Amri uu ka dambeeyey weerarka.

Weerarkii Berlin oo lagu qaaday suuqa ciid kirismiska ayaa waxaa lagu dilay 12 qof.

Dhanka kalena, booliska dalka Jarmalka ayaa Jimcihi maanta xiray laba nin oo walaala ah oo looga shakisan yahay in ay qorsheynayeen in ay weeraraan suuq ku yaalla magaalada Oberhausen.

Xariga labadani nin oo asal ahaan kasoo jeedo dalka Kosovo ayaa yimid kadib marki ay boolisku heleen xog muhiim ah oo ku saabsan weerarada ay damacsanaayeen.

XS
SM
MD
LG