Isku xirrada

War Deg-Deg ah

JID AAN JIHO LAHAYN


Jid aan jiho lahayn
Jid aan jiho lahayn

Muddo badan waxaa la aaminsanaa in kooxaha xagjirka ah ay duufsadaan dhalinyarada aan helin waxbarashada wanaagsan islamarkaana dayacan ama shaqo la'aantu haysato.

Inkastoo fikraddaasi la xaqiijiyey inay dhab tahay, haddana waxaa dhinaca kale dhab ah in dhallinyarada ay kooxaha xagjiriintu soo jiiteen ay ku jiraan kuwo helay waxbarasho wanaagsan kana soo jeeda qoysas ladan.

Haaruun Macruuf ayaa inoo haya qaybtii koowaad ee laba warbixinood oo ku saabsan laba dhalinyaro ah oo midi ku biiraya Daacish kan kalena Al-Shabab oo labaduba waxbarashada meel sare ka gaadhay ka hor intii aysan ku biirin ururrada xagjirka ah.

Waxaa kale oo warbixinahani ay fallanqayn doonaan waxa xalka noqon kara ee dhalinyarada looga joojin karo in la marin habaabiyo.

Waa tan qaybtii koobaad iyo tii labaad warbixin aan ugu magacdarnay "JID AAN JIHO LAHAYN".

Qeybta koowaad waxay ku saabsan tahay sheekada Rashiid Tugraal oo asal ahaan u dhashay Turkiga kuna biiray Daacish.

Qaybta labaadna waxay ku ku bilaabanaysa waxa u suurto geliya kooxaha xagjirka ah inay dhalinyarada duufsadaan?

Warbixin gaar ah
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:38 0:00
Warbixin: Jid aan jiho lahayn 2
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:47 0:00

XS
SM
MD
LG