Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'adda Culumada oo ka Digtay Cayaaraha Garoowe


Sheekh Bashiir Salaad

Hay’adda Culumada Soomaalieed ayaa maanta ka digtay halis dhinaca diinta ah oo ay sheegtay inay ka imaan karto in gabdha Somaliyeed ay ciyaaraan kubadda Koleyga.

Hay’adda ayaa sheegtay in arrintan ay tahay dhaqan burinaya mabaadiida islaamka.

Hadalka hay’adda ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland lagu wado inuu ka furmo tartanka kubadda kolyega ee gabadhaha oo ay ku baratamayaan afar kooxood oo ka socda maamul goboleedyada federalka ee dalka iyo koox ka socota Muqdisho.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa ujeedada digniintooda ka wareystay guddoomiayaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Wareysi: Sheekh Bashiir
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:42 0:00

XS
SM
MD
LG