Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ka Tirsan AMISOM oo la La'yahay


Amisom Maxkamad
Amisom Maxkamad

Howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa xaqiijiyey in mid ka mid ah askartooda Soomaaliya joogta la la’yahay.

AMISOM ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in askariga laga waayey saldhig ay ku lee yihiin degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, shalay sideeddii subaxnimo.

AMISOM ayaa sheegtay in markii askariga la waayey kadib ay koox baarayaal ah raaceen raadkiisa illaa meel saddex KM u jirta saldhigga, ka hor inta aan lagu waayin howdka.Waxa ay sheegtay in dadaallo lagu soo helayo askarigaas ay socdeen shalay oo idil, ayna sii wadi doonaan inta laga soo helayo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirka askari ay sheegtay in Amisom uu ka tirsan yahay oo ay soo qafaasheen, sida lagu baahiyey warbaahinta Soomaalida qaarkood.

VOA ma xaqiijin karto sax ahaanshaha sawirkaas.

XS
SM
MD
LG