War qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen dhinacyada Beesha Caalamka ayey ugu jeediyeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran in ay qabtaan doorasho ku fadhida daah furnaan, La-xisaabtan iyo sharci.
Qeybaha soo wada saarey warsaxaafadeedkan beesha Caalamka ayaa waxaa ka mid ah Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italia, Sweden, UK iyo Mareykankanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka, iyo toosh ku iftiiminta wararka la xariira in wax isdaba marin qatar ah oo dhacdey intii lagu guda jirey hanaanka doorashada, sida iyadoo la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo iyadoo lagu tagri-faley ergada lasoo qorey laguna guul dareystey in loo hoggaansamo sidii loo baahnaa in loo raaco hanaanka qoondada kuraasta dumarka.
Beesha Caalamka ayaa codsanaysa in sharaxaad laga bixiyo sida 24 kursi oo markii hore la galiyey in dib u eegis lagu sameeyo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ugu soo koobeen oo kaliya 11.
Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay mas’uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigto Xaqiida ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta doorashada.
Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta Qaliifaadka in Aragtida, iyo qotada kala aragti duwaanshiyahooda aanan la daah-rogin ay noqonayaan kuwa Saldhig u noqda go’aanka gaarista natjiiada doorashada ee waxba kama jiraan lagu tilmaamey ee dib loogu noqonayo.
Dhinaca kale, Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sheegay in beesha caalamka ay tixgelinayso inay dacwad u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si ay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo ay kaga hadlana kuraasta la sheegay in la musuq maasuqay, islamarkaana ay qaadaan tallaabo haddii kooxaha Soomaalida ay ku guul darraysteen inay wax ka qabtaan kuraasta la sheegay in la musuqay.
Wararka ayaa sheegay in sidoo kale ay beesha caalamka ku hanjabayso in taageerada la siinayo dawladda Soomaaliya la yareeyo.
Beesha caalamka ayaa la sheegay inay aad uga soo horjeedaan in xaaladda musuq maasuq ah oo la mid ah tii dhacday sanandkii 2012 xilligan wax laga qaban waayo isla markaana horey loo sii socdo.