Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan iyo Putin oo Dib u Xaqiijiyey Xiriirkooda


Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa sheegay in shirqoolki lagu dilay safiirki Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara aysan dhaawici doonin xiriirka ka dhaxeeya labada waddan.

Kadib marki ay labada madaxweyne ay qadka telefoonka ku wada hadleen, ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan sheegay in labada hogaamiye ay isla garteen in la ballaariyo wada shaqeynta labada wadan, gaar ahaan arrinta Suuriya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in weerarkii Isniintii uusan dhaawici doonin xiriirka labada waddan.

Talaadadii, wasiirada arrimaha dibada ee Turkiga iyo Ruushka ayaa si wada jir ah ubaxyo u dul dhigay sawirka Safiirki hore ee Ruushka u fadhiyey Turkiga Andrei Karlov, kaasoo nin hubeysani ku Isniintii ku toogtay Magaalada Ankara.

Meydka Safiirka ayaa xalay gaaray magaalada Moscow, iyadoona ay la socotay xaaska uu ka geeriyooday Andrie Karlov.

XS
SM
MD
LG