Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qofkii Fuliyey Weerarkii Berlin oo Weli la La'yahay


Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa weli raadinaya qofkii mas’uulka ka ahaa baabuur xamuul oo lagu jiiray dad meel isugu yimid, maalin kadib markii ay sii daayeen qof lagu tuhunsanaa inuu mas’uul ka ahaa weerarkaas oo 12 qof lagu dilay.

Booliiska magaalada Berlin ayaa sheegay inay heleen in ka badan 500 oo xog oo ay soo direen dad soo wacay taleefonka, tan iyo markii weerarka uu dhacay habeenkii Isniinta.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in weerarka lagu fuliyey baaqeeda ah in dadka ay bartilmaameedsadaan muwaadiniinta dalalka ka qeyb galaya ololaha isbaheysiga Mareykanka uu hoggaaminayo ee kooxda ka dhanka ah.

Jarmalka kama mid ah dalalka fulinaya duqeymaha ka dhanka ah Daacish ee ka socda dalalka Ciraq iyo Syria, hase yeeshee waxa ay siisaa taageero ay ka mid yihiin shidaalka iyo farsamada.

Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay inay “ka naxday, oo uu ruxay, si qote dheerna u walaac geliyey werarka.”

XS
SM
MD
LG