Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Maamulihii Madaxtooyada Puntland oo la Dilay


Puntland
Puntland

Nin Baastoolad ku hubeysan, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku diley magaalada Boosaaso maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aaden Gaas Huruuse.

Dad goob joogayaal ah, ayaa VOA u sheegey in dilka uu ka dhacay xilli marxuumka la dilay uu ku qaxweynayay maqaayadda hotel ku yaalla bartamaha Boosaaso.

Ninkii weerarka geystay, ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka maamulihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso.

Sidoo kale maamulka, ayaan illaa iyo hadda ka hadlin dilkaasi, waxaase uu dilkaasi imaanaya wax aan ka badneyn muddo toddobaad ah kadib markii sidan oo kale loogu toogtay taliye ku xigeenkii ciidamada booliska ee Puntland Col. Jaamac Saxardiid hotel uu ka deganaa Boosaaso.

XS
SM
MD
LG