Isku xirrada

Sanad Guurada 73-aad ee Boliiska Somalia oo la Xusay


Madaxweyne Xasan Sheekh

Munaasabad lagu xusay aas aaska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo taliyaasha ciidanka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

73 sano ayaa kasoo wareegtay markii la aas aasay ciidamada boliiska Soomaaliyeed.

Ciidamada boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay dhoolo tusyo kala duwan oo ku qotamay shaqooyinka ay qabtaan ciidamda, taasi oo ay ka mid ahaayeen ciidamada Miina Baarista iyo kuwa ka hortaga mudaaharaadyada.

Ciidamada boliiska Soomaaliyeed ayaa sanadkan waxaa ku soo biiray dhallinyaro ka soo baxay jaamacadaha, kuwaasi oo qaar ka mid ah loo qaatay saraakiil ciidan.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

XS
SM
MD
LG