Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Meel u Dhow Qandala


Qandala
Qandala

Dagaal ayaa ka dhacay meel 30 km koonfur kaga beegan degmada Qandala ee gobolka Bari ee Puntland, oo dhowaan laga saaray maleeshiyo taabacsan kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada sheegtay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish, waxaana uu yimid kadib markii ciidanka Puntland weerar ku qaadeen goobtaas.

Dagaalka ayaa imanaya maalmo yar un kadib markii ciidamada Puntland ay qabsadeen Qandala oo muddo ka badan bil ay haysteen maleeshiyada.

Wariyeheenna Ibraahim Xasan Daandurey ayaa wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkaas ka wareystay taliyaha Ciidamada Badda ee Puntland, Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo ka mid ah sarakiisha ku lugta leh howlgalka Puntland ee Qanadala.

Dagaal ka dhacay meel u dhow Qandala
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG