Isku xirrada

War Deg-Deg ah

SH. Hoose: Weerar Lagu Dilay Lix Qof


Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo saarnaa baabuur caasi ah ay dhinteen, ka dib markii weerar lagu qaaday gaarigaas oo marayay meel u dhow tuulada farxaanle oo hoostimaada degmada Qoryooleey.

Gaarigan ayaa ku sii socday magaalada Baydhaba. Ayaad Iimaan Aaden oo sheegay inay ehel yihiin darawalkii gaarigaasi waday ayaa VOA u sheegay in ciidamada AMISOM ee agagaarkaa ku sugan ay rasaas oodda uga qaadeen gaarigaasi, sidaasna ay ku wada dhinteen guud ahaan 6-da qof ee gaarigaasi la socotay. Ayaad oo ku sugan degmada Banaaneey ayay Caasho Ibrahim la xiriirtay si ay wax uga weydiiso sida shilkaasi u dhacay.

Waxaa naga xasuusin ah inaan isku daynay inaan la hadalno ciidamadaAMISOM si ay uga jawaabaan eedaha loo jeedinayo, balse ilaa imika nooma suurtagalin.

Dhageyso Weerarka SH. Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:21 0:00

XS
SM
MD
LG