Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada 11 Kursi oo Dib Loogu Noqonayo


Doorasho
Doorasho

Guddiga Madax Banaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa shaaca ka qaaday in la laalay oo dib loogu noqon doono doorashada 11 ka mid ah xubnaha loo soo doortay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaaliya.

Warqad Guddiga kasoo baxday ayaa lagu sheegay in kadib baaritaan la sameeyey iyo caddeymo la helay uu guddiga go’aamiyey in lagu laabto doorashada 11 kursi oo ka mid ah 67 kursi oo cabashooyin ay ka yimaadeen.

Liiskan oo ay VOAdu heshey ayaa waxaa ka mida xildhibaanada la laaley doorashadooda:

​1 - Abdullahi Mohamed Adan

2 - Ahmed Mohamed Abtidoon

3 - Abdi Mohamud Mohamed

4 - Sharmaarke Garaad Saleemaan Buraale

5 - Mohamed Abdullahi Hassan (Wasiir Nuux)

6 - Abdiaziz Saleh Arman

7 - Sheikh Shaacir Sheekh Mohamed

8 - Samra Ibrahim Omar

9 - Muna Khaliif Sheekh Abu (Muna Kay)

10 - Mohamed Said Abdullahi

11 - Nadifa Adan Isaq

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Warbixin: Xasan Kaafi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:33 0:00

XS
SM
MD
LG