Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Sheegtay Qaraxii Kaniisadda Qaahira


Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee axaddii lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo lagu dilay 25 qof.

Muuqaallo laga bahaiyey taleefishinada ayaa muujiyey qofka qaraxa lagu tuhunsan yahay oo hormaraya albaabka kaniisadda ka hor inta uusan is-qarxin.

Kooxda Daacish ayaa ninkaas ku sheegtay "Abu Abdullah al-Masri", kaasi oo u muuqda magac la siiyey.

Isniintii, madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi ayaa qofka is-qarxiyey ku sheegay 22 jir lagu magacaabo Mahmoud Shafiq Mohammed Mustafa.

Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa xiray afar qof oo qaraxa lala xiriiriyey waxayna baadi goobayaan kuwo kale.

Daacish ayaa ka digtay weeraro dheeri ah, waxayna ballan qaaday inay sii wadi doonto dagaalkeeda ka dhanka ah “Gaal iyo riddo kasta oo ku sugan Masar iyo meel kaleba”.

XS
SM
MD
LG