Kooxda Al-Shabaab ayaa gubay laba xarumood oo ay shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku laheyd deegaano ka tirsan Gobolka Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya.
Xarumaha la gubay waxaa ka mid ah mid ku taalla tuulada Kutulo oo la gubay xaley iyo xarun ku taal deegaan kale oo habeen hore la gubay.
Waxaa Isgaarsiintii khadadka telefoonada ay ka go’een deegaano badan oo ku yaalla magaalada Mandheera.
Saraakiisha maamulka Mandheera ayaa sheegay in ay ragga weerarka gaystay oo hubaysnaa ay sidoo kale dadka deegaanka muddo u khudbeeyeen.
Faysal Cabdinuur oo ah madaxa amniga ee dowlad deegaanka Mandheera County ayaa u waramay Sahra Abdi Axmed waxuuna hadlayaa sida falkan uu u dhacay?