Magaalada Gaalkacayo ayaa kasoo kabanaysa colaadii ka dhacday bishii hore oo ay ku dhinteen dad badan iyadoo kumannaan kun oo qofna ay ku barakaceen.
Colaaddaas ayaa u dhaxeysay maleeshiyo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug, taasi oo ugu dambeyn xal laga gaaray.
Hase yeeshee ganacsatada magaalada ayaa ka cabanaya in weli ganacsigii Koonfurta iyo Waqooyiga Mudug uu kala xiran yahay.
Warbixintan waxaa noo soo diray weriyahayaga Cabdiwaaxid Macalin Isxaaq.